Muqdisho: NISA oo qabatay Gaari Hub & qaraxyo saaranyihiin+Sawiro

Al-shabaab iyo hubkooda lagu qabtay Muqdisho
Al-shabaab iyo hubkooda lagu qabtay Muqdisho

Ciidanka NISA ayaa Maantay Soo Bandhigay Hub iyo shabaabkii Watay Kadib Markii Ay Shacabka Gobolka Banaadir ay Xog Ka Helen.

13330888_934645119981612_7848490946801350252_n

“Agabka Lasoo Qabtay ayaa Kakooban 5 Ak47 afar Bastoolad iyo Rasaasta Hoobiyaha Waxaa Kale oo kamid ah Boolasha Wax lagu Qarxiyo”

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C.kaamil Macalin Xirsi oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidamada Hey’adda NISA ay ku qabteen gaari waday hab kadibna galabta ay qaadeen howlgal kale oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu soo qabqabtay ilaa 4 qof oo uu ku jiro horjoogihii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.

13322131_934645049981619_3396491679142849793_n

“NISA ayaa qaaday howlgal waxaana ku soo qabqabanay illaa 4 ruux, Hub iyo Aaladaha loo adeegsado walxaha qarxa, waxaana la doonayay in dilal iyo qaraxyo looga geysto magaalada Muqdisho”ayuu yiri Mudane C.kaamil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here