Muqdisho: Ninkii dilay Taliyihii Ciidamada NISA Sh. Dhexe oo dil lagu fuliyay+Sawiro

Ku xigeenka xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa war-baahinta u aqriyay xukunkii maxkamadda ciidamada qalabka sida saakay ku fulisay askari booliis ah oo horay u dilay Allaha unaxariiste taliyihii NISA ee gobalka Shabeelaha-dhexe..

( Taariikhdu Markay Ahayd 23/06/2016 Abaaro 09:00 subaxnimo waxay Maxkamada Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka Sida Ufariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex- D/le Nisa Yuusuf Xuseen Maxamuud 24 jir ah ina Bintoow Xaamud ku dhashay Sh. dhexe ka tirsanaa ciidanka nabad sugida qaybta guud gobolka sh. dhexe., kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey in uu si bareer ah u toogtay Marxuum C/weli Ibraahin Maxamed oo ahaa taliyihii nabad sugida Gobolka Sh/dhexe, Tr. 21/06/2016 dilkaas oo ka dhacay degmadda Jowhar , waxayna Maxkamadu ku Xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum C/weli Ibraahin Maxamed. 26/06/2016 Waxaa rafcaan ka qaatay Xukunka Maxkamadda D.1’aad C.Q. Sida Xukunsanaha.

Taariikhdu markii ay ahayd 27/08/2016 waxay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida mar kale U fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex- D/le Nisa Yuusuf Xuseen Maxamuud waxayna ku Xukuntay Dil Toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum C/weli Ibraahin Maxamed.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 25/05/2017 waxaa lagu fuliyay Xukunsanaha Xukunkii dilka ahaa.

WABILLAAHI TOW-FIIQ )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here