Muqdisho: Nin Xaaskiisi Goowracay

MuqdishoWararka naga soo gaaraya Muqdisho gaar ahaan xaafada Siigaale ee Degmada Hodan, ayaa sheegaya in nin kamid ah dadka deegaanka uu xalay Goowrac ku jiiday Xaaskiisa.

Haweeneeydan ayaa la sheegay ineey u dhimatay Goowraca uu kula kacay Ninkaada, waxaana dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen, in maalmihii lasoo dhaafay uu muran xoogan ka dhaxeeyay labadooda.

Ninka falkan foosha xun geystay, ayaa la sheegay inuu durbadiiba ka baxsaday goobta, waxaana hada baadigoob ba’an ku haya ciidamada amaanka degmada Hodan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here