Muqdisho: Nin Hoobiye tuurayay oo la qabtay

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa Wakaalada Wararka SONNA u sheegay ciidamada ammaanka inay ku guuleysteen soo qabashada nin ka mid ahaa rag Madaafiic ku tuuray Xerada Xalane.

Inkastoo Afhayeenka uu beeniyay in Xerada Xalane ay madaafiicdaasi ku dhaceen, ayaa hadana wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan aaga Xerada Xalane inay ku dhaceen Madaafiicda.

Madaafiicdaan ayaa xalay fiidkii waxaa laga soo tuuray Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

“labo Hoobiye ayaa laga soo tuuray meel duleedka Degmada Dharkiinley ka tirsan, Ciidamada ayaa ka war helay halka ay ka soo dhacayeen, kadib waxa ay ceyrsadeen kooxdii waxa ay soo qabteen mid ka mid ah kuwii labada Hoobiye soo riday, mana jiraan wax Khasaare ah oo ay geysteen oo waxa ay ku dheceen meel Kaawada laga qodo oo ah dhul bannaan.” ayuu yiri Mudane Xalane.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in lagu raadjoogo intii kale ee ka hartay ninka hada la qabtay, isaga oo sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano.

Al Shabaab ayaa falal lidi ku ah dhanka ammaanka waxa ay ka geystaan Magaalada Muqdisho oo ciidamada amniga ay ku dadaalayaan inay suggaan amnigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here