Muqdisho: Naadiyada Horseed iyo Bariga Dhexe oo galabta isku dhegan

koonisCiyaar aad u xiiso badan kana tirsan Horyaalka Soomaaliya, ayaa galabta Garoonka Koonis ku dhex mari doonta kooxaha Horseed iyo Bariga Dhexe.

Kullanka galabta ayaa ah mid xiisihiisa wata waxaana koox kaste ay dooneysaa in ay guul gaarto.

Bariga Dehexe ayaa xilli ciyaareedkaan ku cusub horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya mahadaama sanadkii lasoo dhaafay ay soo qaaday heerka labaad.

Horseed ayaa leh saddex dhibcood, iyadoo tagi doonta lix dhibcood haddii ay badiso kullanka galabta ee Bariga Dhexe.

Kooxda ka dhisan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay horyaalka heerka koowaad, waxaana galabta ay ciyaareysaa kullankeedii labaad.

Naadiga Cawa iyo Maalin ayaa  kullankii ugu dambeeyay waxa ay kasoo badisay Waxool halka Bariga Dhexe ay guuldarro kala kullantay naadiga Dekedda.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here