Muqdisho: Muwaadin 20-sano xoog looga haystay Gurigiisa oo lagu wareejiyay

muwaadinGuddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta muwaadin Somaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Abuukar Axmed oo Mudo ka badan 20 sano si sharci darro ah looga haystay gurigiisa oo ku yaalla degmada Shibis ee Gobalka Banaadir ku wareejisay kadib markii laga saaray koox ciidamo ah oo la sheegay in ay xoog ku daga nayeen.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo wareejinta kadib goobta ka hadlaya ayaa sheegay in aan la aqbali donin in xoog laysaga heysto hantida dadka shacabka.

Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya Ciidanka Ammaanka ayaa horey dad si sharci darro ah looga haystay gurayahooda ugu wareejiyey.

guri-shibis-xoog-1 guri-shibis-xoog-2 guri-shibis-xoog-3 guri-shibis-xoog-4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here