Muqdisho: Muran ka taagan Ergadii dooran lahayd Xildhibaanada G. Waqooyi

Doorashada SoomaaliyaWararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in muran iyo is qab qabsi xoogan uu ka taaganyahay Ergadii dooran lahayd Xildhibaanada Gobolada Waqooyi uga mid noqonaya Baarlamanka.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo ah wasiirka Warfaafinta Xukuumada waqtigeeda dhamaaday,ayaa la sheegay inuu ku lug yeeshay mid ka mid ah is qab qabsiga ka jira ergooyinka, kaddib markii uu qoray ergo aanu qorin Suldaanka Beesha Habar Jecelo.

Maareeye

Waxaa lagu eedeynayaa in liiska ergada uu qortay uu ka saxiixay Suldaan aan aheyn kii saxda ahaa ee ku jiray 135 oday, taasoo ka timid cabasho badan.

Ilo ku dhow dhow Suldaanka Beesha Boqor Maxamed Jaamac ayaa sheegaya in Maareeye uu ka faa’ideystay xanuun soo wajahay suldaanka oo ku xanuunsanaya mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Suldaanka iyo Maareeye ay muddooyinkii u dambeeyay isku xumaadeen, iyadoo Suldaanka uu taageersan yahay nin kale oo kula loolamaya Kursiga Xildhibaannimada, kaasoo lagu magacaabo Najiib Yuusuf Cusmaan.

Sidoo kale Suldaanka ayaa u janjeera dhinaca Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo galaan-gal xooggan ugu jira sidii uu u heli lahaa taageerada xubnaha Gobolada waqooyi.

Ka sokow is qab qabsiga ka taagan ergadii dooran laheyd xubnaha ka soo jeeda Somaliland ayaa waxaa iyana jira loolan kale oo u dhaxeeya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku saabsan helida taageerida xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here