Muqdisho: Maxeey ku dhamaatay Ciyaartii Dekedda & Gaadiidka shalay dhexmartay?

Dekedda vs GaadiidkaKooxaha Dakadda iyo Gaadiidka ayaa shalay Muqdisho ku yeeshay kulankii 7-aad ee horyaalka Soomaaliya 2016/2017.

Ciyaartii shalay oo ahayd mid aad u adag ayaa labada kooxood soo bandhigay kubad aad u qurux badan.

Ciyaarta ayaa markii ay bilaawatay daqiiqadii 24-aad Dakadda waxaa gool u dhaliyay Bille Muxudiin Buraale.

Wixii markaa ka danbeeyay kooxda Gaadiidka ayaa qaaday weerar ay ku baadi goobeesay goolka lagu leeyahay,waxa ay midaas timid daqiiqadii 33-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta,waxaa Gaadiidka goolkaa u dhaliyay,Xuseen yuusuf Dabaase.

Ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay waxa ay ku soo dhamaatay bar bar dhac 1-1- ah.

Kooxda Gaadiidka laba kulan oo ay ciyaartay waxa ay leedahay laba dhibcood,halka kooxda Dakadda laba kulan oo ay ciyaartay ay leedahay 4 dhibcood.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here