Muqdisho: Maxeey ahayd fartiinta ay xubnaha UN-ka soo gaarsiiyeen madaxda Somalida

Xubnaha UN-ka ka socda oo shir la leh madaxda Soomaalida
Xubnaha UN-ka ka socda oo shir la leh madaxda Soomaalida

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xaqiijiyey in doorashooyinka Soomaaliya ay dhici doonaan xilliga loogu talagaley oo ah bisha August ee sannadkan 2016-ka.
Madaxweynaha waxaa uu hadalkan ka jeediyay magaalada Muqdisho oo uu kula kulmey danjireyaasha waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo maanta dalka booqasho ku yimid.

Wafdiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u kuurgalaya hawlaha qabanqaabada doorashada dalka ka dhacaysa iyo tas-hiilaadka ay Dowladda Federaalka u baahan doonto si hawshaasi looga mira dhaliyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ogsoon yahay in waqtiga inoo haray uu yar yahay, balse heshiiskii madasha ee bishii hore la gaarey uu dhigayey in Baarlamaanka uu meel mariyo, sidaa darteedna uu filayo in mudaneyaasha Baarlamaanka ay arrintaasi fududeyn doonaan.

“Waxaan sameyney horumar la taaban karo. Waxaa guusha horumarka aanu gaarney uu mira dhal noqon doonaa marka aan la imaano tanaasul, isla markaana aan meel marino doorashooyinka taariikhiga ah ee loo ballansan yahay. Waa inaan ku dadaalnaa intaan kari karno in hannaanka siyaasadda dalka ay cid walba ay iska dhex aragto, lagana dhigo barnaamij loo wada dhan yahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Kullan albaabada u xiran oo dhex maray Madaxweynaha iyo Xubnaha UN-ka kasocday, ayay si cad safiirada UN-ka ugu sheegeen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo R/wasaarihiisa, inaan marnaba dib loo dhigi karin xiliga doorashada, islamarkaasina loo baahanyahay in Baarlamanka si degdeg ah u ansixiyaan heshiiska Doorashada.

Madaxwene Xasan Shiikh, ayaa xubnaha UN-ka u ballan qaaday, in doorashada ay dhici doonto waqtigii loo qorsheeyay sanadkan 2016 Bisha Augosto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here