Muqdisho: Ma’ogtahay in Ajnabi kala duwan ay maalin walbo dalxiis u yimaadaan Muqdisho (Video & Sawiro)

Ajaanib dalxiis ku timaada MuqdishoTan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2012 waxaa soo hagaagayay amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa si tartiib tartiib ah usoo laabtay dhamaan adeegyadii shacabka, gaar ahaan goobihii dalxiiska.

Waxaa hada magaalada kusoo badanaya dalxiisayaasha ajnabiga ah ee kala duwan, kuwaasoo maalin walba dalxiis ku yimaada magaalada Muqdisho.

Mark Ogden, waa dalxiise u dhashay dalka Mareeykanka oo 22 jir ah, waxa uu kamid yahay Dalxiisayaasha cadaanka ah ee Muqdisho yimid.

48 Saacadood uu Muqdisho dalxiis ku joogay, waxa uu qarash gareeyay lacag gaareysa £900, waxaana amaankiisa si gaar ah u ilaalinayay askar katirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Mark Ogden, ayaa damaashaad ku tegay Xeebta Liido iyo Jaziira, sidoo kale waxa uu booqday qeybo taariikhi ah oo magaalada ka tirsan Taalada daljirka Dahsoon.

Waa dalxiisaha Mareeykanka ka socda Mark Ogden oo ku sugan Xeebta Jaziira
Waa dalxiisaha Mareeykanka ka socda Mark Ogden oo ku sugan Xeebta Jaziira

Halkaan ka daawo Sawiro badan iyo Muuqaal ku saabsan dalxiisayaasha ajnabiga ee Muqdisho yimaada:

2CDAAC8400000578-3251960-image-a-5_1443438449037 2CDAAD4C00000578-3251960-image-a-13_1443438530217 2CDAAD7D00000578-3251960-image-a-48_1443438664998 2CDAAE6000000578-3251960-image-a-12_1443438525803 2CDAAF0B00000578-3251960-image-a-23_1443438568179 2CDAAF0400000578-3251960-image-a-4_1443438432939 2CDAAF1100000578-3251960-image-a-16_1443438535286 2CDAAFBB00000578-3251960-image-a-35_1443438621744 2CDAB0D000000578-3251960-image-a-42_1443438643766 2CDAB1C700000578-3251960-image-a-20_1443438548644 2CDAB1EF00000578-3251960-image-a-44_1443438646852 2CDAB2CC00000578-3251960-image-a-45_1443438654739 2CDAB4AA00000578-3251960-image-a-25_1443438584002 2CDAB30C00000578-3251960-image-a-32_1443438606302 2CDAB14300000578-3251960-image-a-39_1443438632107 2CDAB19500000578-3251960-image-a-34_1443438616056 2CDAB36700000578-3251960-image-a-28_1443438595404

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here