Muqdisho: Madaxweyne Xasan oo ku hanjabay inuu Baarlamanka kala dirayo

Madaxweyne Xasan Shiikh
Madaxweyne Xasan Shiikh

Muqdisho: Sida laga soo xigtay qaar kamid ah gudiga dib u eegista Heshiiska Doorashada, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ku hanjabay inuu kala dirayo Baarlamanka, hadii aysan si deg deg ah u ansixin heshiiska qaabka doorashada 2016, ee ay horay usoo ansixiyeen Doowlada Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeysanaya in arinta Gobolka Banaadir dib loo dhigo ilaa 2020, balse waxaa ka biyo diidsan inta badan Guddiga Baarlamanka.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Beesha Caalamka, ay Madaxweynaha ku taageertay inuu kala diro Baarlamanka, hadii ay ansixin waayaan heshiiska, kuna dhawaaqo diyaar garoow doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here