Muqdisho: Macallimuu oo loo doortay xoghayaha guud ee NUSOJ

Macallimu oo loo doortay xoghayaha guud ee NUSOJ
Macallimu oo loo doortay xoghayaha guud ee NUSOJ

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa caawa waxa uu noqday Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ kadib markii markii tanaasulay musharixii la tartamayay Cali Baashi C/laahi.

Doorasho cod qarsoodi aheyd oo waqti badan qaadatay ayaa lagu qabtay Hotel City Palaza codkooda dhiibay in ka badan 140-Weriye oo ka kala socday qeybaha warbaahinta Soomaaliya isagana kala yimid gobolada dalka.

Doorashada oo wareeg labaad gaartay ayaa waxaa Xoghayaha guud ku guuleystay Maxamed Ibraahim Macallimuu, kadib markii uu iscasilay Wariye Cali Baashi oo la tartamayay, halka Guddoomiyaha isna loo doortay Maahir Jaamac Ibraahim.

Xoghayaha cusub ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo khudbad ka jeedinayay goobta ay doorashada ka dhacday ayaa u mahad celiyay dhammaanba ergooyinka kala duwan ee ka socda warbaahinta Soomaaliya, isagoona ballan qaaday inuu NUSOJ ku sameynayo isbedel cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here