Muqdisho: Macallimiin codsaday in la siiyo mushaar ku filan

 

Muqdisho: Macallimiin codsaday in la siiyo mushaar ku filan
Muqdisho: Macallimiin codsaday in la siiyo mushaar ku filan

Urur ay ku midoobeen Macallimiinta Soomaaliyeed, waxaana ay codsi u direen dowladda Soomaaliya iyo hey’adda taakuleeya macalimiinta.

Waxa ay dowladda ka codsadeen in ay ka qayb qaadato sidii ay macallimiintu u heli lahaayeen mushaar ku filan, si loo daboolo baahidooda gaarka ah.

Guddoomiyaha ururka, Cali Sheekh Cabdi oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in macallimiinta Soomaaliyeed oo heegan u ah kor u qaadidda aqoonta bulshada iyo nabadgelyada aysan helin mushaar ku filan.

Dadweynaha Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya arrimaha waxbarashada ayuu ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii ay macallimiintu u heli lahaayeen mushaar dabooli kara baahidooda.

Midowga Macallimiinta Soomaaliyeed ayaa la aas-aasay 12-kii July, 2005, waxayna howshiisu tahay ilaalinta xuquuqda macallinka iyo ardayga Soomaaliyeed, sida uu sheegay Cali Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here