Muqdisho: Koobka Gen Daa’uud

Heegan & Gaadidka oo barbardhac ku kala baxay
Heegan & Gaadidka oo barbardhac ku kala baxay

Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda koobka General Daa’uud, wuxuuna hadda soo gaaray heerkiisa is-reebreebka ee Nick out.

Waxaa galabta garoonka Koonis ee degmada Cabdicasiis ku ballansan kooxaha Heegan iyo Gaadidka.

Labadan koox waxa ay ka mid yihiin kooxaha horyaalka ugu tunka weyn horyaalka koowaad ee dalka.

Lama saadaalin karo natiijada ay ku dhammaan karto cayaarta galabta.

Kooxda Heegan waxa ay galabta la soo shir tagi doontaa macallin cusub, siddaas waxaa saxaafadda u sheegay weeraryahanka kooxda Jibriil Xasan fariid.

Kala soco Natiijada cayaartan bogga Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here