Muqdisho: Jen. Samatar oo lagu aasay Wasaarada Gaashaandhiga

Allaha u naxariistee sareeyo guud Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, xilal kala duwana ka soo qabtay dowladdii milatariga Soomaaliya ee uu hogaaminayay sareeyo gaas Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay dhismaha wasaaradda difaaca Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Aaska Janaraalka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Qaar kamid ah madaxweyneyaasha dowlad gobaleedyada ka dhisan dalka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan iyo dadweyne Soomaaliyeed.

Ka hor inta aan la aasin Janaraalka ayaa madaxda iyo dadweynaha ay salaad Janaaso ah kula tukadeen xarunta wasaaradda gaashaandhigga, halkaas oo marxuumka loogu duceeyay.

Aaska Jen, Samatar14054185_1752372061698781_6849175894278738059_n 14068252_1752372025032118_1735998740166198874_n 14089225_1752371995032121_7136648882361957561_n 14100434_655810387916822_5464500207863851626_n 14100512_655809914583536_5246154162079438217_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here