Muqdisho : Isku aadka tartanka xidiggaha oo lagu dhawaaqay

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay, isku aadka tartanka kubadda cagta ee xidiggaha, oo dhawaan si rasmi ah uga billaabanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, tartankan waxaa loo qaban doonaa illaa lix koox, oo wata magacyada shirkadaha iyo hotelada ku yaalla magaalada.

Tartanka ayaa la sheegay in si rasmi ah daaha looga rogi doono 25-ka bishan March, waxaana uu ka dhacayaa garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.

Haddaba Shabakadda Midnimo waxa ay idiin soo gudbineysaa sida ay kooxaha isugu soo aadeen, halkan hoose ka eeg.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here