Muqdisho: Isku aadka ciyaaraha Gobolada

DSC09375-1Tartanka gobolada Soomaaliya ayaa si xiiso leh ugu soconayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo shalay lagu furay Banaadir iyo Koofur Galbeed oo ku wada jira guruubka A.

Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa soo qaban qaabisay tartankaan, halka Gobolka Banaadir ay qaabilsan yihiin dejinta gobolada iyo soo dhaweynta waxaana dhanka garsoorka iyo diiwaan gallinta gacan weyn ka geysanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta

Tartankaan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya lix gobol oo hoos yimaadda federaalka Somaliaya, waxaana lagu marti galinayaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

13705252_1073274719428384_1347234309_n

Xigasho: Goolfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here