Muqdisho: Imaamka Mudolood oo meel adag ka’istaagay maqaamka Muqdisho

Magaalada Muqdishokulan ay qaaten madaxda dhaqanka ee gobolka Banaadir ayay uga dooden go’aanka Magaalada Muqdisho loogu diiday iney talo ku yeeshan nidaamka doorashada ee dalka ka dhaceysa dhamaadka sanadkan iyo iney xubno ku yeeshan aqalada Baarlamaanka.

Odayaasha dhaqanka waxa ay ku dhawaaqen kacdoon ka dhan ah dadka shisheeyaha iyo kuwa diplomaasiyiinta sheeganaya ee ku haya Muqdisho xaq malahan sida ay hadalka u dhigen.

Waxa ay intaasi ku daren iney qoraalo soo saari doonan islamarkaana ay qaban doonan dibad baxyo balaaran oo arintan ku saabsan.

Imaam Maxamed Yuusuf Imaanka Koonfurta Soomaaliya ayaa si kulul ugu hadlay arintan waxa uuna 48 saac u qabtay iney dalka uga baxan dadka shisheeyaha ee faraha kula jira arintan,isaga oo sheegay in la iska rabo halka ay ku qoran tahay in gobolka Banaadir aysan xaq ku lahayn.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Imaamka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here