Muqdisho: Gudoomiyaha G.banaadir oo sheegay inaan la qadin karin…

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir MadaaleGudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa markale ku celiyay inaan la qadin karin Gobolka Banaadir, islamarkaasina lagama maarmaan ay tahay in uu xubin ku yeesho aqalka sare.

Gudoomiye Madaale ayaa sheegay, inuusan jirin sharci diidaya in Gobolka Banaadir maamuus ku yeesho aqalka sare ee dalka, waxaana uu ku cel celiyay in marnaba aysan aqbali doonin in Banaadir la qadiyo.

Waxa uu madaxda dalka ee ka qeyb galeysa shirka madasha ugu baaqay, ineey keenaan xuquuqda Gobolka Banaadir.

“Hadii ay dhacdo in la go’aamiyo qadinta Gobolka Banaadir, shacabka Muqdisho go’aan ayay qaadan doonaan wayna la xisaabtami doonaan madaxda dalka” ayuu yiri Gudoomiye Madaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here