Muqdisho: Guddiga Olombikada Soomaaliya oo shir muhiim ah yeeshay

Xubnaha guddiga fulinta ombikada Soomaaliya ayaa shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga hadlay guulihii guddiga olombikada uu yeeshay dhawaanahan.

Wuxuu ka dhacay xaruntooda magaalada Muqdisho, waa kulankii labaad oo uu yeesho guddiga olombikada tan iyo markii xubaha cusub ee guddiga la doortay horaantii bishii January ee sannadkan.

Wax yaabaha diirada lagu saaray kulanka waxaa ka mid ahaa guulaha laga soo hoyay gudaha iyo dibedda.

Xoghayaha guud ee guddiga olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faaran oo kulanka markii uu dhammaaday la hadlay saxaafadda ayaa sheegay, in guddiga uu qabtay shaqo adag, taasoo ay ka mid yihiin ayuu yiri in ay soo xoojiyeen xiriirkii dibedda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here