Muqdisho: Guddiga Madasha oo codsaday in dib loo dhigo doorashada

madashaGuddiga doorashada dadban ee ay madashu dhistay, ayaa codsaday in lasiiyo mudo dhowr bilood ah, si ay usoo diyaariyaan doorashada.

Guddigan ayaa shalay codsigooda hordhigay shirkii Madasha ee Muqdisho ka furmay, waxaana warbixintii ay gudbiyeen kamid ahaa in ay 3 bilood oo dheeraad ah u baahanyihiin, taasoo ay go’aan ka gaari doonaan madaxda madasha.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa war murtiyeedka laga soo saaro in lagu cadeyn doono xilliga rasmiga ah ee doorashada ay dhaceyso iyo Jadwalka guud ee Doorashada.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in shirkaan la soo gaba gabeeyo sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada Somaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya ayaa maalmo ka hor sheegay muhiim inay tahay in Doorashada Somaliya ay waqtigeeda ku dhacdo.

Lama oga go’aanka soo bixi doono inuu noqon doono mid doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso iyo in dib u dhac uu jiri doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here