Muqdisho: Gabdhaha Heegan oo ku guulleysatay horyaalka kubbadda gacanta Soomaaliya

gabdhaha HeeganCiyaar kama dambeys ah oo ka tirsan horyaalka kubbadda gacanta Soomaaliya, ayaa shalay waxa ay ka dhacday garoonka Wiish, waxaanna isaga horyimid gabdhaha Heegan iyo Horseed.

Labada dhinac ayaa soo bandhigay cayaar aad u wanaagsan, ugu dambeyn waxaa adkaaday gabdhaha Heegan, kaddib markii ay la yimaadeen 13 dhibcood halka ay Horseed la timid 8 dhibcood.

Heegan ayaa noqotay horyaalka kubbadda gacanta Soomaaliya 2016-2017, waxanna guddoonsiiyay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow.

Dhanka kale qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa loogu hambalyeey kooxda guulleysatay ee Heegan, waxanna lagu sheegay in Dowladda ay si weyn u dhiiro-gelineyso cayaaraha dalka.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here