Muqdisho: Gaari Qaraxyo laga soo buuxiyay oo la qabtay (Sawiro)

-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa Caawa Xaafadda Saybiyaano Degmada Hodan Ee Magaalada Muqdisho ku Qabtay Gaari ay saaranyihiin Hub iyo Walxaha Qarxa, kaas oo Kooxda Al-shabaab ay dooneysay in ay ku gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka C.casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo gaaray Goobta Gaariga lagu qabtay ayaa sheegay in uu arkay Gaariga oo ay saaranyihiin Garneelada Garabka laga Tuuro, Qoriga AK47, Boolal loogu talagalay marka uu gaarigu qarxo in uu dadka waxyeello baahsan gaarsiiyo.

Saraakiisha Hay’adda NISA, ayaa Sheegay in Qabashada Gaariga Hubka iyo Qaraxyadu saaranyihiin ay gacan ka siiyiin dadka deegaano oo wada shaqeyn wanaagsan la sammeeyay hay’adaha Amniga.

Ciidanka Miino Baarista ayaa hadda gacanta ku hayo, si looga fogaado in dadka shacabka ah goobta ka agdhay ay waxyeello uga soo gaarin haddii uu qarax ka dhasho gaariga inta baaristu socoto.

13565521_10154320625074583_928428158_n-1 13595737_10154320625184583_1133247820_n-1 13598826_10154320624899583_2013227156_n-1 13598950_10154320622869583_1896194597_n-1 13599604_10154320622789583_1837984065_n-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here