Muqdisho: eedeeysane dil lagu xukumay

Muqdisho,Soomaaliya-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Somaliya, ayaa waxay maanta xun dil ah ay ku riday nin askari ah, ka dib markii ay Maxkamadda ku heshay inuu dil u gaystay askari kale.

vlcsnap-2015-08-20-11h04m05s174

Askariga oo lagu magacaabo Maxamed Cali Aadan, ayaa waxa uu Maxkamaddu ka hor qirtay in Degmada Baardheere ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay askari kale oo lagu magacaabo jiray C/fataax Maxamed Axmed.

Kaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaaashaanle Xasan C/raxmaan Aadan, ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xukunka lagu riday ninka askariga ah.

Kaaliyaha, ayaa ku waramaaya cadaymo iyo qiraal Maxkamadda la horkeenay ka dib, in xukunka dilka ah lagu riday askariga dilka gaystay.

Kaaliyaha, ayaa cadeeyay in askarigu uu racfaan ka qaadan karo xukunka dilka ah ee maanta ku dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here