Muqdisho: Duullimaadyadii rayidka ahaa oo la joojiyay

diyaarado-garoon-1Gabi ahaanba saaka waxaanan jirin Diyaarado Duulimaad rayid ah oo ka soo degaya Garoonka Aadan Cadde iyo kuwa ka dhoofaya intaba, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka Garoonka.

Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayaa lagu wargeliyay Axadii in maalinta talaadada aysan jirin Diyarado rakaab oo Garoonka imaanaayo iyo kuwa ka dhoofaayo, sidaasi awgeed shaqada ay fasax ka yihiin.

Diyaarado yar yar oo ay la socdaan Saraakiil dhanka ammaanka ah iyo La taliyeyaal ayaa soo gaaraya Garoonka Aadan Cadde.

Sida qorshaha uu yahay shirka IGAD ayaa la filayaa inuu si rasmi ah uga qabsoomo Magaalada Muqdisho, waxaana jira Diyaargarow ballaaran oo Dowladda Somaliya arintaan ay u muujisay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheeegay in shir madaxeedka ajendaha looga doodii doono ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

‘’Tani waa fursad dahabi ah oo Soomaaliya soo marta. Martigelinta shir heerkiisu sareeyo, sida kulan madaxeedkan IGAD, waxay daliil u tahay in waddamada gobolka iyo beesha caalamka ay garowsadeen horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca dowlad dhisidda iyo nabad soo celinta. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa sida ay uga go’an tahay inay gacan ka geystaan in dalkeena uu dib u soo ceshto sumcaddii iyo sharaftii uu ku lahaa beesha caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here