Muqdisho: Doowlada oo shirkadaha Korontada ugu baaqday Qiimo dhimis

banaadir_koronto_9Sahro C/qaadir Wasiiru Dowlaha Wasaarada Tamarta iyo Kheyraatka Biyaha Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa sheegtay inay muhiim tahay in isbedel lagu sameeyo Qiimaha Korontada.

Waxa ay sheegtay shacabka Somaliyed inay haystaan Duruufo kala duwan oo la xiriira dhanka nolosha, sidaasi awgeedna ay adag tahay in dadka ay bixiyaan Qiimaha Korontada.

“Waxan ka codsanayaa Shirkada in ay qiimo dhimis ku sameyso adeega korontada oo ay bixiso sababtoo ah dadkeena waxey u baahan yihiin in durufahooda la fahmo.”Sidaasi waxaa tiri Wasiiru Dowlaha Wasaarada Tamarta.

Somaliya ayaa lagu tiriyaa inay tahay dalalka aduunka kuwooda ugu sareeya Qiimaha Korontada, taasi oo keenaysa bulshada wax aysan awoodin inay dusha saartaan.

Shirkadaha Korontada oo ah kuwa gaar loo leeyahay, ayaa qiimaha ay doonaan hadba ka dhiga adeega Koronto ee ay siiyaan Bulshada, iyadoo aysan jirin Dowlad tayo sare leh oo la xisaabtanta Shirkadaha cadaadiska saaraya Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here