Muqdisho: Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo saakay Bilaabaneysa

magaalada MuqdishoSaakay ayaa kagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato Doorashada Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga.

Doorashada ayaa ka dhaceysa xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, halkaasoo ammaankeedu si aad ah loo adkeeyay.

Xubnaha lagu dooranayo Muqdisho ee Beelaha Banaadiriga ayaa gaaraya 3 xubnood, waxaana dooran doona ergooyin la cayimay.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda inay Muqdisho ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here