Muqdisho: Diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan cadde

Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad ay kusoo dhacday garoonka diyaaradaha Adan cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay qaabilsaneyn la talinta iyo tababarka ciidamada AMISOM, waxaana sida la sheegay iska leh shirkada Bancroft.

Diyaaradda oo lugaha la bixi weysay ayaa muddo badan ku dul heehaabeysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana wararka ay sheegayaan in markii dambe ay soo dhacday.

Sida wararka ay sheegayaan diyaarada waxaa la socday saraakiil ajaaniib ah, waxaana ay ku burburtay wadada ay diyaaradaha maraan.

Waxaa hakad ku jiro saacado kooban diyaaradihii kasoo dagi jiray iyo kuwii ka duuli jiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, maadaama wadada ay ku dhacday diyaaradan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here