Muqdisho: dhageyso Macalimuu oo u sharxan Xog. guud NUSOJ

Maxamed Ibraahim Macalimuu
Maxamed Ibraahim Macalimuu

Afhayeenka Shirka doorashada Hogaanka ururka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dib u dhici taanka shirkaas uu yimid ka dib markii arimo farsamo oo la xalinayo uu soo wajahay.

Shirweynaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray  meel gabo gabo ah waxaana maanta la dhagaystay Khudbadaha musharaxtiinta u tartamaya hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Ergooyinka ka qaybgalaya shirkaan oo isaga kala yimaaday dhamaan gobalada Soomaaliya ayaa aad isugu raacsan inay maalinta berito 17/05/2016 soo doortaan hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ.

Musharaxiinta maanta khudbadaha jeediyay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Ibraahim Macalimuu oo u sharaxan Xoghayaha guud ee Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa wuxuu ka warbixiyaya tariikh nololeedkiisa saxaafadeed, jagooyinka uu soo qabtay iyo tababarada uu soo qaatay

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono xuquuqda suxufiyiinta islmarkaas sheegay in uu lashaqeyn doono cid walba oo ku guuleysata jagadaas.

Dhageyso Maxamed Ibraahim Macalimuu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here