Muqdisho: dhageyso Cali Cabdulaahi musharaxa Xog. Guud NUSOJ

Cali Baashi Cabdulaahi Cabdi
Cali Baashi Cabdulaahi Cabdi

Afhayeenka Shirka doorashada Hogaanka ururka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dib u dhici taanka shirkaas uu yimid ka dib markii arimo farsamo oo la xalinayo uu soo wajahay.

Shirweynaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray  meel gabo gabo ah waxaana maanta la dhagaystay Khudbadaha musharaxtiinta u tartamaya hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Ergooyinka ka qaybgalaya shirkaan oo isaga kala yimaaday dhamaan gobalada Soomaaliya ayaa aad isugu raacsan inay maalinta berito 17/05/2016 soo doortaan hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ.

Musharaxiinta maanta khudbadaha jeediyay ayaa waxaa ka mid ah Cali Baashi Cabdulaahi Cabdi oo u sharaxan Xoghayaha guud ee Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ.

Cali Baashi Cabdulaahi Cabdi ayaa wuxuu ka warbixiyay qaabka uu wax u qaban doono haddi la doorto oo ay ugu horeyso dhibaatada heysatada Suxufiyiinta dhan dhaqaale iyo tixgelin la’aanta, wuxuu sheegay in Suxufiyiin badan ku nafwaayeen ayagoo ku jiro howlahooda saxaafadeed isla markaasna   caruurtooda  agoomo noqdeen.

Cali Baashi Cabdulaahi Cabdi ayaa wuxuu u mahad celiyaya dhamaan qabana qabiyayaahs iyo ka soo qeeb galayaash madasha lagu qabta shirka., wuxuu kaloo sheegay in ujeedada shirkan uu yahay sidaan u dhisi laheyn NUSOJ ka duwan mida hadda jirto, iyo shaqsiyaad kii soo hogaamin jiray kuwoo ka duwan.

Cali Baashi Cabdulaahi Cabdi ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono xuquuqda suxufiyiinta islmarkaas sheegay in uu lashaqeyn doono cid walba oo ku guuleysata jagadaas.

Dhageyso Cali Baashi Cabdulaahi Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here