Muqdisho: Dad ku dhaawacmay Rasaas ay fureen ciidamada AMISOM

amisomWararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Rasaas ay fureen kolnyo katirsan ciidamada AMISOM oo marayay wadada Maka al-mukarama, ay ku dhaawacmeen dad shacab ah oo halkaas marayay.

Rasaasta ay fureen AMISOM, ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray 2 qof oo shacab ah, kuwaasoo saarnaa Mooto-Bajaaj.

Falkan ay ku kaceen ciidamada AMISOM, ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Wehliye, waxaana dhaawaca labada qof la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in falalka xadgudubka ah ee AMISOM ay kusoo noqnoqdeen shacabka Soomaaliyeed, islamarkaasna waxaa jirin fal celin ay ka sameeyaan madaxda Doowlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here