Muqdisho: Ciidamada Booliska oo xabsiga dhigay Xildhibaan Galmudug katirsan

Magaalada MuqdishoWararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa CID-da ay mudo isbuuc ah xabsi ku haayaan mudane katirsan Baarlamanka Maamulka Galmudug.

Mudanahaan oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali, ayay ciidamadu Boolisku xireen, kadib markii uu dacwad kasoo gudbiyay sarkaal katirsan ciidamada Booliska.

Xildhibaanka, ayaa la sheegay in mudo isbuuc ah uu ku xiranyahay xaruunta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya, in maamulka Galmudug uu ka warqabo xariga Xildhibaanka, islamarkaasina maamulka uu diiday in lasoo damiinto, ilaa iyo inta laga soo gudanayo wixii loo xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here