Muqdisho: Baarlamanka oo maanta ansixinaya heshiis muhiim ah

Baarlamanka oo laga dalbaday ansixinta sharciga...
Baarlamanka oo laga dalbaday ansixinta sharciga…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in lagu waado maanta ineey Baarlamanka isugu yimaadaan kullan ay ku ansixinayaan hanaanka doorashada 2016.

Madaxda Doowlada Federaalka, Gudiyada Baarlamanka, madaxda maamul goboleedyada iyo qaar kamid ah masuuliyiinta Beesha Caalamka ka socda oo xalay kullan xasaasi ah wada qaatay, ayaa ugu dambeyn waxaa lagu go’aamiyay in maanta Baarlamanka ay ansixiyaan hanaanka doorashada, sidoo kale waxaa laysla gartay in Gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho aqalka sare ee Baarlamanka.

Guddiga dib u eegista heshiiska hanaanka doorashada ee Baarlamanka, ayaa si weyn uga biyo diiday qodobo badan oo heshiiska kamid ahaa, waxaana ugu weyneyd arinta Gobolka Banaadir.

Odoyaasha iyo waxgaradka Muqdisho, ayaa iyaguna soo saaray digniin aan horay loo arag, taasoo soo dedejisay in xaalku sii adkaado oo Muqdisho loo ogolaado ineey xubno ku yeelato aqalka sare ee Baarlamanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here