Muqdisho: Darawal Bajaaj oo loo dilay wadada ii baneey+Sawiro

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhow askar katirsan Doowlada oo marayay wadada shaqaalaha ay nin darawal ah oo watay Bajaaj ay ku dileen halkaas.

Dilka wadaha Bajaajta ayaa yimid, kadib markii mid kamid ah ciidamada uu kasoo degay Gaari Tikniko ahayd uu saarnaa, islamarkaasina uu wadaha Bajaajta ku amray inuu wadada u baneeyo, balse sida ay Goobjoogayaal Midnimo.com u xaqiijiyeen wadaha Bajaajta waxa uu ku socday Seydkiisa saxda ah mana lahayn meel uu wadada uga leexdo taasoo keentay dilkiisa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa.

13240114_1013582845344528_8055328684414660556_n 13256434_1013582852011194_8969843655372953485_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here