Muqdisho: Arag sideey noqotay wadadii ugu dambeysay ee la dhisay (Sawiro)

wadoBishii May 15-keedi 2016, ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, uu xariga ka jaray wadada laamiga ah ee isku xirta isgoyska Howl-wadaag ilaa Sayidka.

Lacagta lagu dhisay wadadaan ayaa maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka aruuriyay shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Hadaba waxaa la yaab noqotay in Roobkii yaraa ee shalay ka da’ay magaalada Muqdisho si sahlan ku burburaan wadooyinkii ugu dambeeyay ee la dhisay, taasoo muujineysa in markii horaba aan si sax ah loo dhisin xilna layska saarin.

Hadaba waa in lala xisaabtamaa shirkadii dhistay wadadaan, sidoo kale waa in shacabku ay la xisaabtamaan maamulka Gobolka Banaadir.

13407108_505749626287711_8917418015671689503_n 13407264_505750156287658_6379392063092404901_n 13413653_505749746287699_1045261304922428488_n 13428353_505749479621059_3116976713098296090_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here