Muqdisho: AMISOM oo kahor timid qorshe ay Itoobiya saldhig milatari uga furan lahayd Caasimadda

ciidamada ItoobiyaAMISOM iyo Doowlada Soomaaliya, ayaa lagu soo waramayaa ineey si xoogan uga horyimaadeen qorshey ay wadatay Doowlada Itoobiya, kaasoo ay dooneysay ineey Saldhig Milatari kaga furato Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Qorshahaan ay Itoobiya wadatay ayaa waxaa si xoogan uga horyimid taliska AMISOM ee Muqdisho, gaar ahaan Dowlada Itoobiya, taasoo Khilaaf ka dhex abuurtay dalalka Itoobiya iyo Uganda.

Warar Hoose ayaa sheegaya, in Uganda ay Doowlada Soomaaliya ku war gelisay, in hadii ay Itoobiya Saldhig ka furato Muqdisho, ay ciidamadeeda gabi ahaanba kala bixi doonto Soomaaliya, taasoo qasab ka dhigtay in Dowlada Soomaaliya ay Itoobiya ku war geliso joojinta qorshaheeda guracan.

Dowlada Itoobiya oo ka careysan Go’aankaas, ayaa la sheegay ineey iska diiday la wareegida Hogaanka AMISOM oo ah mid wareega, waxaana taas badalkeeda lagu wareejiyay sarkaal katirsan ciidamada Jabuuti kaasoo lagu magacaabo Jeneral Cusmaan Nuur Sugule.

CkcdyDbUYAExgak

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here