Munaasabado lagu xusay maalinta 1-da Luulyo oo ka dhacay meelo kala duwan oo Muqdisho ah (Sawiro)

Waxaa maanta ka dhacay meelo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah munaasabado lagu weyneeyey xuska maalinta 1-da Luulyo oo ah maalinta xoriyada Soomaaliya.

Munaasabadan oo ku soo aaday sanadkaan kii 52-aad ee marki Soomaaliya ay heshay istiqlaalka ayaa mid ka mid ah waxa ay galabta ka dhacday Hotelka Bakiin ee KM-4 magaalada Muqdisho.

Xaflada oo aheyd mid xiisa laheyd ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiiro, xildhibaano, aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro kuwaasi oo ku dheeraaday ahmiyada maalinta 1-da Luulyo.

Ma aheyn Muqdisho oo kaliyah meelaha looga dabaal dagay munaasabada 1-da Luulyo ee sidoo kale waxaa laga xusay magaalooyinka ay maamusho dowlada KMG Soomaaliya.

Magaalooyinka uu ka taliyo ururka Al Shabaab ayaanan haba yaraatee laga soo hadal qaadin, sababtoo ah Al Shabaab maba aqoonsana calanka Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.