Munaasabada lagu xusayay 1-da Luuliy ee Istadiya Koonis (Sawiro)

Munaasabada lagu xusayay 1-da Luuliy taas oo lagu qabtay garoonka kubbadda cagta ee Istadom Koonsi waxaana xaflada ka qeyb galay mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Muqdiso iyo gobolada ku teedsan taas oo maanta si aad ah loogu dabaal dagal.

Maanta ayaa waxa ay ku beegneyd 1-ka July oo ah marki ay gobolada koonfureed ee Soomaaliya ka qaateen madaxbanaanida gumeystihii Ingiriiska.

Magaalooyinka uu ka taliyo ururka Al Shabaab ayaanan haba yaraatee laga soo hadal qaadin, sababtoo ah Al Shabaab maba aqoonsana calanka Soomaaliya.