Munaasabad uu xilka ku wareejinayo maareeyaha Dakada oo haatan ka socoto xarunta Dakada Muqdisho

Munaasabad balaaran oo ay ka qeybgalayaan madax ka tirsan dowlada KMG iyo saraakiisha AMISOM isla markaana uu xilka ku wareejinayo Maareeyaha Dakada Muqdisho ayaa ayaa haatan soconeyso.

Xarunta dakada ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamo fara badan oo isugu jira AMISOM iyo ciidamada Dowlada, iyadoo la filayo in xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Madaxda Dowlada ay goob joog ka noqon doonaan.

Ma cada cida lagu badali doono qofka uu noqon doono maareeyaha cusub, hase yeeshe waxaa la isla dhaxmarayaa inuu yahay Adan Cabdullaahi Cadaan oo uu dhawaan xilkaasi u magacaabay Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali.

Maalmahan ayaa waxaa ka taagnaa Dakada Muqdisho qilaaf ku saleysnaa xilka maareeyaha gaar ahaan Sayid Cali Macalin Cabdulle oo jagadiisa ka taagneyd qilaaf.

Todobaadki hore Wasiirka Dakadaha, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayey isku dhaceen Sayid Cali iyaga oo waliba isu dhaartay marki uu diiday Sayid Cali amar uu wasiirka ku bixiyey inuu xilka ka wareejiyo.

Wixii kusoo kordha kala soco Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here