Munaasabad lagu xusayay Maalinta Masraxa Aduunka iyo Tartan faneedka Heesaha hirgalay oo maanta Muqdisho lagu qabtay + Sawiro


Munaasabad lagu xusayay Maalinta Masraxa Aduunka oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 200-xubood oo isugu jiray Fanaaniin ka socday Hobolada kala duwan, qeybaha Bulshada, Xildhibaano, Wasiiro iyo Ururada Haweenka ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Munaasabadan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hey’adda Wada Hadalka Bulshada ee CCD, iyadoo munaasabadan ay daba socotay Tartan faneed Heesaha hirgalay oo sanadkii labaad ay Hey’adda CCD qabato, waxaana ku tartamay ilaa shan fanaaniin oo isugu jiray Ragg iyo Dumar, kuwaasi oo ahaa fanaaniin ku cusub Fanka Soomaaliyed.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay Munaasabada Maalinta Masraxa Aduunka, isla markaana furay Tartan faneedka Ku simaha Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ahna Wasiir Kuxigeenka wasaarad C/llaahi Bile Nuur oo u hambalyeeyay Maalinta Masraxa Aduunka inay tahay maalin qiimo weyn ku leh Fanka, isagoo ugu baaqay Fanaaniinta in xaalada dalka u kacaan, sidii nabadeynta uga qeyb qaadan lahaayeen.

“Fanaaniinta waxaa qabaa inay u kacaan xaalada jirta ee dalka marayo, meel fiican ayuu marayaa, in dalka la nabadeeyo, karaamadii iyo sharaftii la soo celiyo, fanaaniinta Soomaaliyed inay dalkooda mugdiga ka saaraan, maanta waa maalin taariikh leh, fanaaniinta Soomaaliyed”ayuu yiri Ku simaha Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Bile Nuur.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Fanaaniinta la mideeyo, si loo soo celiyo fankii Soomaaliyed, waxaana uu tibaaxay in 20-kii sano Fanka mid bur buray, isla markaana fanaaniinta ay ku kala firxadeen Aduunka oo dhan, isagoo ku baaqay in la soo celiyo fanaaniinta qaranka, si ay nabadyenta uga qeyb qaataan.

“Goor dhow waxaa dhismaya Tiyaatarka Qaranka, waxaa loo magacaabay Maareeye Kuxigeen iyo qaab dhismeedka Tiyaartarka, waxaa muhiimad noo ah in aan soo celino dhaqankeena iyo caadooyinkii aan laheyn”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ahaa fanaaniinta Soomaaliyed, isla markaana horay uga soo qeyb galay Tartankii Heesaha Hirgalay ee sanadihii 70-meeyadii oo uu Masraxa ku soo koray heestiisa caan baxday ee Shankaroon, iyadoo isla heestaas uu maanta ka qaaday Munaasabada Maalinta Masraxa Aduunka, waxaana dadkii ka qeyb galay ahaa mid heestaas aad u soo jiidatay oo dareenkooda kicisay.

“Maanta waa maalin Faneed, Fanka Soomaaliyed wax laga taariikheyn karo ma ahan, wuxuu la kowsaday waqtigii aduunyada ee hada hormaray, marka la soo qaado fanka, qeybaha fanka ee ka turjuma hidiha dhaqanka iyo dhaqankeena wax la soo koobi karo ma ahan.

Waxaa uu sheegay in dhowaan uu safar ku tagay dalka Sudan oo uu uga qeyb galay munaasabada tacsida Fanaankii weynaa ee Maxamed Wardi oo geeriyooday, isagoo xusay in Sudan iyo Soomaali Fankooda ay mataano yihiin, isla markaana horay ugu luuqeeyeen suugaano ay Soomaalida ku ammaaneen, walaaltinimada iyo xiriirka soo jireenka ka dhaxeeya.

Gudoomiyaha Hey’adda Wada Hadalka Bulshada ee CCD Ciise Axmed Cumar oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu u hambalyeynayo Fanaaniinta Soomaaliyed, isagoo xusay in maanta oo kale Fanka u yahay maalin ciid, isagoo xusay in Hey’addu ay mudnaan siisay inay soo qaban qaabiso Maalinta Masraxa Aduunka iyo Tartanka Faneedka Heesaha Hirgalay.

“Maanta Waxay Hey’adda mudnaan siisay inay soo qaban qaabiso Maalinta Masraxa Aduunka oo ah maalin Faneed, sidoo kale waxaa sameynay Tartanka Heesaha hirgalay oo sanadkii labaad aan u qaban fanaaniinta cusub si ay u bedelaan jiilkii hore una noqdaan jiilka cusub ee soo koraya”ayuu yiri Gudoomiyaha Hey’adda Wada Hadalka Bulshada CCD.

Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in markii ay dareemeen in shantii dhalinyaro ee sanadkii hore ay u qabteen Tartanka Faneedka ay wax weyn ay ku soo kordhisay mihnadooda, isla markaana tartamayaashii sanadkii hore ay hada noqdeen xidigo, isagoo xusay in tani ay qasabtay in mar labaad la sameeyo si loo helo dhalinyaro fanka ka qeyb qaadata.

” Waxaan dareenay markii ka soo baxeen shantii hore ee taratmayaashii sanadkii hore inay wax weyn qabteen, wax weyn adalka ku soo kordhiyeen, inay noqdeen xidigo iyo fanaaniin ah, in hadana aan dhalinyaro kale soo saarno, dhaqanka soomaaliyed wuxuu ka turjumi jiray Fanka, kadib markii wadanka dhibaato badan ka dhaceen, waxaa dareemay in fanka sii laciifayo, walow hada dowlada wax ka qabatay, anagana inaan dhisno oo aan sare u soo qaadno”ayuu yiri Gudoomiyaha Hey’adda CCD oo intaa ku daray inay sii wadi doonaan Tartamada ceynka oo kale ah iyo Howlaha sare loogu qaadayo Fanka Soomaaliyed.

Munaasabada oo aheyd mid aad u xamaasad badneyd ayaa waxaa dhex taal u ahaa Heeso iyo suugaano kala duwan oo ay ku luuqeynayeen Fanaaniinta caanka ahaa, iyadoo fanaaniinta ka qeyb qaadatay oo ahaa kuwo hore uu ka mid ahaa Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ku luuqeyay Heestiisa caan baxday ee Shankaroon, Fanaanka Faarax Siidow Faarax oo ku luuqeeyay Heestiisa Maseyr oo ka mid ah Heesaha banaadiriga aadka loogu jecel yahay, Fanaanada Binti Cumar Gacal oo iyana qaaday Heestii Kaska-Cad, iyo Sahra Ileeye oo qaaday Heestii Lahansho.

Sidoo kale waxaa Munaasabada loo guda galay Tartankii Heesaha Hirgalay oo fanaaniinta da’da yar ee loo xulay inay ka qeyb qaataan, gaar ahaan shan fanaaniin oo ahaa saddex Ragg iyo labo dumar ay iyana ku luuqeeyeen heesaha ay ku soo shir-tageen tartanka oo qofba qofka kale ku muujinayay kartidiisa faneed, dadaalka iyo hab masraxeedkiisa.

Gudiga Tartanka Faneedka oo ka koobnaa ilaa 10-xubnood oo laga soo xulay Hobolada kala duwan, sida Hobolada Waabari, Heegan, Horseed, Onkod, Danan, Iftin, Qeyla Dhaan Muqdisho iyo Deegaan ayaa waxay qiimeynayeen Tartamayaasha iyo habka ay uga qeyb qaadanayeen suugaanta iyo hab jiliinkooda, waxaana ugu dambeyn markii uu soo gaba gaboobay Tartanka ay soo bandhigeen Natiijadii tartanka Heesaha Hirgalay.

Gudoomiyaha Gudiga Tartanka Heesaha Hirgalay C/wali Maxamed Jaamac ayaa ku dhawaaqay natiijadii tartanka , isagoo sheegay in Fanaaniinta Tartamayay uu kaalinta koowaad galay Maxamed Axmed Ciise Naaleeye oo helay 94%, Xamdi Cabdi Tahliil oo uu dhalay Fanaan Cabdi Tahlii, ayaa gashay Kaalinta labaad oo heshay 84%, Hodan Cali Axmed oo kaalinta 3aad gashay, Sayid Cali Xaaji Xasan oo kaalinta afaraad galay iyo C/qaadir Axmed Jaangow oo kaalinta shanaad galay.

Ugu dambeyn Tartamayaasha Fanka ee ahaa shanta Fanaan ayaa waxaa la gudoonsiiyay abaal marino qaali ah oo ay Hey’adda CCD ugu tala gashay, si ay dhiira gelin iyo niyad dhis ugu noqoto inay Fankooda horay u sii dhaqaajiyaan, waxaana Gudoomiyaha Hey’adda CCD uu gudoonsiiyay Abaal marinada Fanaankii galay kaalinta 1aad, halka abaal marinada kale ay bixiyeen Gudoomiye kuxigeenka Ururuka Haweenka Qaranka iyo Gudoomiyaha Haweenka CCD.

Munaasabada ayaa ugu dambeyn waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro hidaha iyo dhaqanka oo ka qeyb galayaasha aad ula dhaceen qaabka bandhiga faneedka uu u dhacay oo aheyd mid aad u heer sareysay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.