Munaasabad lagu guddoonsiinayay arday soo dhamaysatay waxbarasho oo lagu qabtay magaalada Jowhar

Arday dhamaysatay waxbarashada qaar kamid ah maadooyinka cilmiga ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey xaflad lagu qabtay xarunta shirkada Farjano ee magaalada Jowhar.

Xafladda oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  Odayaal, waxgaradka, aqoonyahano,bahda waxbarashada Gobalka Sh/dhexe iyo masuuliyiinta maamulka Alshabaab ee magaalada Jowhar.

Masuuliyiintii ka hadashay xafladan ayaa waxa ay u mahad celiyeen Maamulaha dugsiga Himalaya Faysal Muuse Cismaan oo muddada Sanad iyo lix bilood ah ardaydan barayay maadooyinka Chemstry iyo Biology.

Ardaydan oo tiradoodu gaareysey illaa iyo 19 arday ayaa waxa ay ahaayeen dufcadii ugu horeysey ee ka qalin jebisa dugsiga maadooyinka cilmiga lagu barto ee Himilaya School oo kamid ah iskuulada ugu caansan ee gobolka Sh.dhexe.

Waxaana xaflada lagu soo gabogabeeyay iyadoo la guddoonsiiyey shahaadooyin ardaydii ka qallinjebisey dugsiga cilmiga ee Himilaya.

Gobolka Sh.dhexe ayaa waxaa ka jira haatan dugsiyo faro badan oo ay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka ay wax ka bartaan waxaana sanadkan la rajaynayaa in arday badan ay ka soo qalinjebiyaan dugsida ku yaal gobolka Sh/dhexe.