Muhaajiriin Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ku dhax dhintay gaari ay la socdeen dalka Tanzania

Ugu yaraan 43 ruux oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dalka Tanzania kadib marki ay ku caburmeen baabuur truck ah oo iska buuxiyeen.

Saraakiil diiday in magacooda lasoo xigto ayaa sheegay in ay muhaajiriintan oo kusii jeeday dalalka koonfureed ee qaarada Africa la helay iyaga oo meyd ah xilli baabuurki waday uu ku safrayey inta u dhaxeyso magaalooyinka Arusha iyo Mbeya iyaga oo rabayna in ay gaaraan magaalada Dodoma.

Warar hor dhac ah oo soo baxayey ayaa sheegayey in dadkan ay ku neef qabatoobeen ama ku cabursameen baabuur camuul ah deegaanka xaafada Chitego ee degmada Kongwa, hase yeeshee sarkaal ka tirsan degmada Kongwa ayaa sheegay in ay ku caburmeen baabuur isku daboolan oo truck ahaa.

Dadka la socday baabuurka oo gaarayey 113 ayaa waxaa ka dhintay 43, halka qaar kalana laga soo saaray iyaga oo ku jira xaalad aad u adag.

Dadka Soomaalida ah iyo Itoobiyaanka ayaa si aad ah ugu qul qulaya dalka South Africa si ay uga shaqeystaan una helaan nolol ka wanaagsan tan hada ay ku heystaan dalalkooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.