Mudane ka tirsan baarlamaanka oo ku eedeeyey maamulka dooxada Shabeelle in xasuuq iyo dhac ay ka geysteen magaalada Beledweyne.

Mudane Cumar Aadan Xasan ( Cumar Dheere) oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyey maamulka la magac baxay Dooxada Shabeelle inay ka wadaan magaalada Beledweyne xasuuq iyo dhac ay u geysanayaan dadka rayidka ah.

Cumar Dheere ayaa sheegay in booqasho ay ku tageen magaalada Beledweyne xildhibaano ka tirsan ay ka soo dhiseen ciidamo daacad u ah dowlada balse ciidamadaas laga dhigey inay yihiin kuwo Alshabaab la safan.

Cumar Dheere waxa uu sheegay inaysan jirin wax maamul ah oo dadka reer Hiiraan ay isku raacsan yihiin oo leh maamul la magac baxay Dooxada Shabelle. Waxana uu xildhibaanku sheegay in dadkii degenaa xaafada Howlwadaaag ee dhinaca galbeed magaalada Beledweyne ay ka barakaceen dadkii ku noolaa halka hantidoodii la dhacay.

Warkan ka soo baxay xildhibaan Cumar Dheere ayaa waxa uu yimid kadib markii maanta dagaal xoog leh oo geystey qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhacay magaalada Beledweyne, Illaa toban ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka iyadoo qaar kamid ah ay ahaayeen arday halka labaatan kalana ay ku dhaawacmeen.

Hase yeeshee maamulka dooxada Shabelle ayaa waxaa uu ku tilmaamay dagaalka ka dhacay magaalada Beledweyne in uu ahaa mid u dhexeeyey ciidamada dooxabda Shabelle iyo ciidamo daacad u ah ururka Alshabaab.

Magaalada Beledweyne ayaa dadka ku nool waxaa soo wajahday cabsi xoogan kadib markii dagaalo ay ku soo noqnoqdeen kadib markii halkaas ay ka dhaceen qaraxyo iyo weeraro bambaanooyin ah maantana dagaal fool ka fool ah uu ka dhacay.