Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Cusub Oo Ku Xiran Xabsi Ku Yaala Muqdisho

Warar hoose oo na soo gaaraya ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan baarlamaanka cusub dowladii TFG ey dhigtay xabsiga dhexe ee Muqdisho

Xildhibaanka xiran ayaa lagu Magacaabaa Abdi Barre Yusuf Jibril oo horey u ahaa Taliye kuxigeenkii Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka Soomaaliya ,waxaana lagu waramayaa in dhoor maalin uu ku xiran yahay Xabsiga Dhaxe ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan oo kasoo jeeda Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in uu u xiran yahay arimo Siyaasadeed ,iyadoona aanasi rasmi ah loo shaacin cida Xirtay Xildhibaankan Cusub iyo sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya Xarigiisa.

Waxaa Maanta Banaanbax ay kasoo qeybgaleen Odayaal iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Beesha uu kasoo jeedo Xildhibaankan uu ka dhacay Magaalada Gaaakacyo kaa oo lagu dalbanayay in lasoo daayo Xildhibanaankan la xiray.

Odayaasha Dhaqanka ayaana Xariga Xildhibaan Cabdi Barre ku eedeeyay in ay tahay mid siyaasad ka dambeeso gaar ahana ay tuhmayaan in uu ka dambeeyo Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Janaraal Gaafow.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Wali Dowlada Soomaaliya oo ku aadan Xariga Xildhibaankan iyo dacwadaha loo heesto oo uu u xiran yahay ,mana jirto cid katirsan Dowlada oo soo hadal qaaday Xariga Xildhibaankan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here