Mudanayaasha baarlamaanka garabka Madoobe Nunow oo cadeeyey mowqifkooxda Shirki London

Xildhibaanada baarlamaanka garabka adeecsan Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa sheegay in ay taageersanyihiin mirihi kasoo baxay Shirki London.

Kadib kulan ay ku yeesheen hoolka shirarka ee xarunta Golaha Shacabka ayey kaga doodeen aragtidooda ku aadan Shirki London lagu soo gaba gabeeyey Khamiisti lasoo dhaafay 23-ki febraury.

Gaba gabadi kulanka ayaa hadal uu saxaafada siiyey Madoobe Nuunoow Maxamed oo ay xildhibaanada qaar u doorteen gudoomiyaha baarlamaanka, ayuu ku sheegay in mudanayaasha ay isku raaceen in la taageero qodobadi kasoo baxay shirki London.

Waxa kale oo ay taageereen shirka lagu qaban doono bisha June dalka Turkiga ee isna loogaga hadli doono aayaha dalka Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaanan taageero ka heysan beesha caalamka, waxaana qodobadi kasoo baxay shirki London ka mid ahaa in aduunyada ay meel uga soo wada jeesato cidi ka hor timaada heshiisyadi hore ee ay gashay dowlada KMG Soomaaliya.

Kooxdaan ayaa horay u qaadacday heshiiski Garoowe iyaga oo marka hore dalbaday in la horkeeno baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.