Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Sheegay In Kenya Laga Iibiyey Qayb Ka Mid Ah Badda Soomaaliya

Xubno katirsan Baarlamanka ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan arimo ay kamid yihiin faragalin dhanka badda ah oo ay doowlada Kenya ku hayso xuduuda dhanka Badda oo ay lawadaagsto Somalia, sidoo kale waxay kawada hadleen Document ay soo saareen gudiga QM uqaabilsan lasocodka xaaladaha Somalia oo loo yaqaan Monitoring group, Documen-tigan ayaa waxaa ku qoran in Passport Diblumaasiyadeed gacanta loo geliyay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu horayn Xildhibaan Caasha Axmad Cabdalla oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Dowladda Kenya ay duulan kusoo qaaday Dalka Soomaaliya loona bahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka dhiidhiyaan arrintaas.

Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim ayaa isna shaaciyay in Document ay soo saareen guddiga QM u qabilsan la socodka Soomaaliya lagu sheegay in Basaboorka Soomaaliya qaab diblumaasiyadeed loo siiyay Madax ka mid ah Ururka Al-Shabaab, sida uu yiri.

Xildhibaan Daahir Cabdiqaadir Muuse Daahir Ciro ayaa isna qaba in loo baahan yahay Madaxda ugu saraysa Dalka inay tilaabo deg deg ah, ka qaadeen arrintan ku aadan Dowladda Kenya faragelinta ay ku hayso Soomaaliya.

Ugu dambayn Madoobe Nuunow Maxamed oo shir guddoominayay Fadhiga maanta ayaa sheegay inay guddi heer Baarlamaan ah oo la socda Xuduudaha Soomaaliya ay qabteen sida uu sheegay.

Dhawaanahanba waxaa soo baxayay hadallo tilmaamayay in Kenya ay Ceelal Shidaal ka qodaysa Soodinta u wadanka Soomaaliya dhanka Badda kala wadaago Kenya iyadoona arrintaasi ay ka digeen aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin badan walow aysan wax hadal ilaa haatan kasoo saarin Madaxda laba dal ee Kenya iyo Soomaaliya.in Passport Diblumaasiyadeed gacanta loo geliyay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu horayn Xildhibaan Caasha Axmad Cabdalla oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Dowladda Kenya ay duulan kusoo qaaday Dalka Soomaaliya loona bahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka dhiidhiyaan arrintaas.

Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim ayaa isna shaaciyay in Document ay soo saareen guddiga QM u qabilsan la socodka Soomaaliya lagu sheegay in Basaboorka Soomaaliya qaab diblumaasiyadeed loo siiyay Madax ka mid ah Ururka Al-Shabaab, sida uu yiri.

Xildhibaan Daahir Cabdiqaadir Muuse Daahir Ciro ayaa isna qaba in loo baahan yahay Madaxda ugu saraysa Dalka inay tilaabo deg deg ah, ka qaadeen arrintan ku aadan Dowladda Kenya faragelinta ay ku hayso Soomaaliya.

Ugu dambayn Madoobe Nuunow Maxamed oo shir guddoominayay Fadhiga maanta ayaa sheegay inay guddi heer Baarlamaan ah oo la socda Xuduudaha Soomaaliya ay qabteen sida uu sheegay.

Dhawaanahanba waxaa soo baxayay hadallo tilmaamayay in Kenya ay Ceelal Shidaal ka qodaysa Soodinta u wadanka Soomaaliya dhanka Badda kala wadaago Kenya iyadoona arrintaasi ay ka digeen aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin badan walow aysan wax hadal ilaa haatan kasoo saarin Madaxda laba dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here