Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Casho Sharaf La Qaatay Danjiraha Turkiga (Sawirro)

Qaar ka mid ah xildhibaanbada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhismaha safaaradda Turkiga kula kulmay safiirka Turkiga u fadhiya dalkeena Soomaaliya, xildhibaannada ayaa ujeedkoodu ahaa in ay ugu hambalyeeyaan safiirka guushii taariikhiga aheyd ee xisbiga AKP ee raisulwasaaraha Turkiga dhawaan ka gaareen doorashooyinkii dowladaha hoose ee Turkiga, xildhibaanada ayaa si aad ah uga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ku tilmaameen mid ku tiirsan walaalnimo iyo saaxiibtinimo dhab ah.

Xildhibaannada ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay safiirka iyo dowladiisa iyagoo uga mahad celiyay dadaalka iyo dhabar adeega ay ugu jiraan horumarinta dalka Soomaaliya, waxay xuseen gurmadkii Turkigu u soo gurmaday Soomaaliya in uu ahaa taariikh qoran oo caruurta dhalan doonto la bari doono iyagoo sheegay in miyi iyo magaalaba laga yaqaan magaca raisulwasaaraha Turkiga recep Dayib Erdogan

Safiirka oo munaasibadda ka hadlay ayaa xusay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay u mar walba garab taagnaadaan walaalahooda Soomaaliyeed, xiriirka walaalaha Turkiga iyo Soomaaliya waa mid adag oo ku dhisan walaalnimo wuuna sii socon doonaa ayuu yiri safiirka

DSC00538 DSC00540 DSC00543

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here