Mudaharaad Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Magaalada ee Gobolka Awdal

Mudaharaad balaaran oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay magaalada Seylac ee Gobolka Awdal, iyadoo ciidamada amaanka Soomaaliland ay rasaas huwiyeen dadka banaanbaxayay.

Dadkan dhigayay banaanbaxa ayaa ka dambeysay kadib doorashooyinki ka dhacay deegaanadaasi oo ay dadka reer seylac ay ku tilmaameen mid xaaraam ah oo aan u dhicin sidi la rabay, waxaana ciidamada amaanka ay toogasho ku dileen hal ruux, iyagoo ku dhaawacay dhowr kale.

Dadka ayaa sheegay in dhibaatooyinkan ay ka dambeeyeen masuuliyiinta maamulka gobolka awdal, kuwaasoo ay sheegeen inay amar ku bixiyeen dhacdadan,iyagoo hey’adaha xuquuqul insaanka ka codsaday inay wax ka qabtaan arintan.

Mudarahaadka ayaa ku soo aaday xili maalinti shalay ahayd ay degmada saylac ka dhici rabtay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayaan masuuliyiinti hore ee degmadaasi iyo kuwa dhawaan ku soo baxay doorashada, iyadoo shacabka reer awdal ay diidanaayeen inay dhacdo xafladaasi.

Ilaa hada maamulka Somaliland wax war ah kama soo saarin dhibaatada io xasuuqa loo geystay shacabka reer awdal, waxaana laga sugayaa inay ka warbixiyaan dhacdadan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here