Mudahaaraadyo rabshado watay oo ka dhacay Magaalada Mandheera

Mudaaharaadyo rabshado watay ayaa maanta ka dhacay magaalada Mandheera gobolka Waqooyi Bari ee Kenya kadib marki  kaasi oo ay ka qeybgalayaan dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudaaharaadyada ayaa loogaga soo horjeeda dilalka qorsheysan iyo qaraxyo kusoo laab laabtay magaalada tan iyo sanadki hore, kaasi oo uu ugu danbeeyey dil ay xalay kooxo hubeysani u geysteen nin ka mid ahaa dadka deegaanka.
Ninka la dilay oo ahaa Taksiile aanan wali magaciisa la shaacin balse ahaa muwaadin Soomaaliyeed ayaa waxaa toogtay sadex nin oo bistoolado ku hubeesnaa.

Saraakiisha amaanka magaalada Mandhera ee dalkaasi Kenya ayaa bilaabay howlgalo baaritaano ah oo ay ku baacsanayaan kooxihi ka danbeeyey falkaasi oo la sheegay in ay baxsadeen.

Magaalooyinka ay dagaan Soomaalida Kenya ee ku yaala gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa tan iyo sanadki 2011 waxa ka jiray weeraro isugu jira dilal iyo qaraxyo kuwaasi oo ay fulinayaan kooxo ay dowlada Kenya ku sheegtay in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.