Mudadii Faroole oo maanta ku ekeyd iyo banana baxyo kadhacay Qardho

Iyada oo ay maanta ku egthaya muddadii Madaxweynaha Puntland loo dhaariyey xafiiska ayaa maalintii shalay la hadal hayey in magaalooyinka waaweyn sida Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaso ay ka dhacaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo maamulka xilkiisi maanta ku egyahay ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Faroole.

Laakiin Ciidamo aad ufarabadan ayaa la dhigey jidadka halbowlaha u ah magaalada Bosaso sida waddada tagta Madaxtooyada, Isgoyska Gaaca, iyo waddooyinka waddooyinka xaafadda Laanta Hawada iyo Xaafadda qadiimka ah ee Xaafad Carab.

Ciidamadan ayaa isugu jira ciidanka Booliska iyo ciidamada Badda ee ay tababartey shirkadda Saracen, waxaana ay ku hubeysan yihiin gawaarida gaashaaman.

Dibad baxyo ka dhacay Qardho:

Dhanka kale magaalada Qardho oo ah halka ugu badan ee maamulka Faroole Mucaaradada kaga imaaneeyso ayaa waxaa maanta kadhacay diba bax ballaran oo ay dadku isugu soo baxeen, dadkaan ayaa diidan in Sanad kaloo dheeraad ah kuu darsado C/raxmaan Faroole.

Mudaahaaraadka ayaa ka bilowdey waddada laamiga ah, waxaana ka qaybqaadanayey dhalinyaro faro badan iyo haween, waxa ay siteen boorar ay ku qoran tahay halkudhigyo ay ku muujinayaan in maamulkan xiligiisi dhamaadey, isimada la doonayo in ay doorkooda qaataan, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen Faroole maanta ayaa xilkaagi u danbeysa.

Mudaaharaadkaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada magaalada ayaa waxaa jirin wax masuul oo ka qayb galay amaba hadal ujeediyay dadkii isku soo baxay.

Sidoo kale waxaa magaalada Qardho gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Puntland Generaal Cadde Muuso, oo isagu beryahaanba xusul duub xoogan ugu jiray sidii loo dajin lahaa qalalaasaha Siyaasadeed ee halkaas kataagan.

Cadde Muuse ayaa sida lasheegayo waxa uu kulamo la qaatay qaar katirsan Mucaaradka iyo Isimada halkaas, lamana oga ilaa iyo hada waxa kasoo baxay ama lasyku afgartay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here